Axmed Cabdi Kaariye Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo socdaal ka bilaawday Degmooyinka laamigu maro ee Gobolka Galgaduud ayaa haatan Ku kusugan Gobolka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka gobolkaas, ayaa markan socdaalkiisa usoo weecinaya Waqooyiga Gobolka galgaduuud
Madaxweynaha oo tagaya Caabduwaaq iyo Balamballe ayaa horay u sii maraya Deegaanka Dhabad waxaana Guddi loo saaray Qabanqaabada soo dhawaynta Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug
Saacadaha soo aadan ayaa la filayo in Madaxweynuhu uu deegaanka Dhabad, iyadoona ammaanka deegaanka maanta aad loo adkeeyay.
Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Deegaanka, Isbadalka Cimilada iyo Horumarinta Reer Miyiga Cabdifitaax Cagayare iyo Gudoomiyaha Dag-Dhabad Aadan Cabdinuur Galaal ayaa shalay kormeeray goobaha loogu talagalay Soo dhawaynta Madaxwaynaha
Madaxweyne Qoor qoor ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool deegaankaasi, kadibna waxaa la filayaa inuu madaxweynaha gaaro dagmooyinka Caabudwaaq iyo balambal kuwaas oo ka tirsan gobolka galgaduud