Axmed Cabdi kaariye Qoor qoor Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa waxaa uu magaalada Gaalkacyo ka bilaabay kulamo looga hadlayay amni darada ka jrita gobolka Mudug.
Kulanka ayaa waxaa uu la qaatay saraakiisha ciidanka eek u sugan Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, iyadoona laga shiray sidii looga hortagi lahaa falalka amni daro oo Al-shabaab ay ka fuliyaan gobolka Mudug.
Madaxweynaha Galmudug ayaa maanta lagu wadaa inuu kulamo la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada kunool Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Qoor qoor uu booqasho ku tago deegaanka Wisil ee dhawaan Al-shabaab ay weerar ka geysteen gobolkaasi.


