Somali News

Madaxweyne Qoor Qoor oo kulan la qaatay Guddiga Farsamada ee ka Baaraan Dagista Hannaanka Doorashooyinka dalka

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor  oo ka soo laabtay safar uu maalmihii u dambeeyay ugu maqnaa dalka Turkiga ,ayaa kulan kula  qaatay magaalada Muqdisho, Guddiga Farsamada ee ka Baaraan Dagidda Habsami u socodka Hannaanka Doorashooyinka dalka.

Kulanka oo ahaa mid is xog wareysi ah, ayaa waxa ay guddiga uga warbixiyeen hawlahooda shaqo madaxweyne Qoor Qoor.

Guddigaan oo ka kooban xubno ka socda dawladda Federaalka iyo dawlad goboleedyada dalka , ayaa shaqadoodu tahay ka baaraan dagista hannaanka doorashooyinka dalka, iyadoo magacaabistoodu ay kamid ahayd go’aamadii ka soo baxay shirkii Dhuusamreeb Labo.

Waxaa la filayaa in magaalada Dhuusmareeb ee xarunta maamulka Galmudug uu ka furmo 15-ka bishaan August ee sanadkaan,shir ay isugu imaanayaan madaxda heer federaal iyo heer maamul goboleed, kaas oo horay loogu wada balamay.