Madaxwaynaha Maamul gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye qoor qoor ayaa waxaa uu magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay qaar ka mid ah Dhalinyarada deegaanada Galmudug.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen horumarinta deegaanka iyo dib-u-dhiskiisa Galmudug.
Sidoo kale Madaxweyne Qoor qoor ayaa dhalin yarada waxaa uu ka dalbaday in ay ka shaqeeyaan midnimada maamulka Galmudug, islamarkaana dhalin yarada ay la shaqeeyaan maamulka.
Mr Qoor qoor ayaa waxaa uu dhalin yarada u balan qaaday in shaqo abuur loo sameyn doono dhalin yarada shaqo la’aanta ku haysata deegaanada maamulka Galmudug.
Dhawaan ayay aheyd markii Madaxweynaha cusub ee Dowlad-Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan gaar ah la yeeshey hoggaanada kala duwan ee Ciidamada Amniga ee Dowlad-Goboleedka Galmudug.
MAdaxweyne Qoor Qoor ayaana faray taliyaasha amniga in ay ka shaqeeyaan xaqiijinta amaanka deegaanada Galmudug gaar ahaan magaalada Dhuusomareeb, waxa uuna sheegay in maamulkiisa muhiimad weyn siin doono amaanka.
Madaxweynaha Cusub iyo ku xigeenkiisa ayaa mudooyinkii dambe waxaa ay kulamo ka wadeen magaalada Dhuusa mareeb ee gobolka Galgaduud.


