Somali News

Madaxweyne Qoor Qoor oo la kulmay Musharixiinta ka soo jeeda deegaanada Galmudug.

Madaxweynaha  maamulka  Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ayaa xalay kulan la qaatay  qaar kamid ah musharrixiinta xilka madaxtinimada Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Galmudug.

Kulanka waxa ka qayb-galay musharrixiinta kala ah; Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xassan Cali Khayre, madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Mustaf Shiikh Cali Dhuxulow.

Kulanka waxa la sheegay, in uu ahaa mid ku saabsan maareynta marxaladda kala guurka ah ee dalka iyo Arrimaha doorashada 2020/2021, inkastoo aysan faahfaahin kale ka bixin madaxtooyada Galmudug.