Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa caawa waxaa uu soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoona si weyn lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Wafdiga madaxweyne Qoor qoor ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano ka tirsan labada gole iyo mas’uuliyiin ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble.
Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka iyo sidii xal waara looga gaari lahaa caqabadaha hortaagan shirka.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa berri qorsheysan inuu furmo, hase ahaatee waxaa muuqata inuu dib u dhici doono, maadaama inta badan Madaxda dowlad Goboleedyada aysan soo xaadirin, lana filayo berri illaa berri dambe ay soo wada gaaraan Muqdisho.


