Somali News

Madaxweyne Qoor qoor oo wajahaya Cadaadis kaga imaanaya mucaaradka

Waxaa xalay magaalada Muqdisho ka dhacay kulamo looga soo horjeedo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, waxaana kulamadaan waday Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana laga soo doortay Galmudug.

Wararka ay heshay KNN ayaa sheegaya in madaxweyne Qoor qoor uu la kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, lakana soo doortay deegaannada Galmudug, iyo xubno ka mid ah xisbiyada mucaaradka.

Arimaha ugu weyn ee kulanka ayaa ahaa inuu madaxweyne Qoor qoor ka laabto guddigii uu magacaabay ee doorashooyinka, islamarkaana dhamantooda u badan NISA, isagoona wajahaya cadaadis xoog badan oo kaga imaanaya siyaasiyiinta mucaaradka.

Wararka ayaa sheegaya in weli ay socdaan kulamo kala duwan oo ku saabsan sidii laga yeeli lahaa guddigii uu dhowaan magacaabay ee heer dowlad gobaleed.