Somali News

Madaxweyne Qoor Qoor oo war ka soo saaray doorashadii ka dhacday Gaalkacyo

Dhuusamareeb-KNN-Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa soo dhaweeyay doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa ee degmada Gaalkacyo, taas oo dhacday gelinkii dambe ee shalay.

“Reer Galkacyo waa ku mahadyihiin sida hufnaanta, daahfurnaanta iyo dimoqraadiyadda leh oo ay uga qeyb qaateen dhismaha golaha deegaanka & doorashada guddoonka degmada. Waxaan rajeynayaa in degmooyinka kale ku dayan doonan Gaalkacyo” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor.

Madaxweynaha ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka degmada Gaalkacyo Cabdirahman Sheekh Xasan iyo Maxamed Cabdi Cilmi oo ay soo doorteen golaha deegaanka.

Qoor Qoor ayaa arrintaas ku amaanay wasaaradda arrimaha gudaha, maamulkiisa oo dhawaan soo dhistay golaha deegaanka Gaalkacyo, taas oo suurta gelisay inay soo doortan guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa ee degmada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Galmudug ayaa wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug kula dardaarmay in ay dardar-geliso dhismaha golayaasha deegaanka dhamaan degmooyinka Galmudug ee dhiman.