Uncategorized

Madaxweyne Shariif Xasan “AMISOM hanaga Caawiso amaanka G/Shabeelaha Hoose”

Muqdisho-KNN-Shariif Xasan Shiikh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo maanta ka hadlayay Shirka amniga qaranka ee ka furmay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhibaato badan ay ka jirto gobalka shabeelaha Hoose maamulkiisana ay ku adkaatay xalinteeda waxa uuna baaq udiray madaxda qaranka iyo Taliska AMISOM.

“Deegaanka leego waxaa ka jira dhibaato badan waxaan ka codsaneynaa AMISOM in ay naga caawiso xal u raadinta dhibaatadaasi, sidoo kale Dowladda iyo AMISOM waxaan ka codsaneynaa in wax laga qabto Guud ahaan dhibaatada Gobalka” ayuu yiri Shariif Xasan Shikh aadan.

Dhinaca kale Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa sheegay in aan la gaarin waqtigii AMISOM ay ka bixi laheyd Soomaaliya waxa uuna sheegay in dalka wali ka jirto dhibaato dhinaca amniga ah.

AMISOM ayaa lagu eedeeyaa in ay qeyb ka tahay dagaalada ka socda Gobalka waxana la sheegay in ay gabaad u tahay mid ka mid ah Beelaha ku dagaalamaya Shabeelaha Hoose, lamana oga sida ay uga qeyb qaadan karto xal u helidda Gobalka.