Uncategorized

Madaxweyne Shariif Xasan oo gaaray degmada Xudur ee gobalka Bakool.

Xudur-KNN-Shariif Xasan Shiikh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed iyo Wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta gaaray degmada Xudur ee Xarunta gobalka Bakool waxaana halkaasi ku dhaweeyay Xubno ka tirsan Maamulka gobalka iyo kan degmada.

Safarka Madaxweynaha lama Shaacin ilaa hadda waxa uu salka ku haayo balse degmada Xudur ayaa dhawaan waxaa ka dhacay doorashada Golaha deegaanka ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa kulamo la qaadan doono Xubnaha kale ee Maamulka gobalka iyo kan degmada iyo waliba qaar ka mid ah Shacabka degmadaasi waxaana la sheegay in uu kala hadli doono Xaaladda guud ee degmadaasi.

Xudur ayaa ka mid ah magaalooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab waxaana ka jirta xaad adag oo dhinaca Nolasha ah mana jirto wax dadaalo ah oo ay wadaan Maamulka Koonfur Galbeed oo ku saabsan Cuna-qabataynta degmadaasi.