Baydhabo-KNN-Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in dhawaan ay sameyn doonaan qorsho Al-shabaab looga saari degaanada uu ka taliyo maamulkaas.
Madaxweyne Shariif Xasan ayaa waxaa uu Shaaca ka qaadaan in duulaan ay ku qaadio doonaan Dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ku sugan deegaanada Maamulka koofur galbeed,islamarkaana dhawaan halkaas ay ka saari doonaan.
Sidoo kale Madaxweynuhu waxaa uu sheegay in Ciidamada AMISOM ay qeyb ka yihiin Howlgalada lagula dagaalamayo ururka Al-Shabaab.
Shariif Xasan ayaa waxaa soo hadal qaaday Shirkii lagu soo gabagabeeyay Magaalada kismaayo ee Xarunta gobalka jubada hoose waxaa uuna sheegay Madaxdii Maamul Goboleedyada ee isugu tagtay Kismaayo in ay isla garteen sidii Dagaal mideysan loola geli lahaa Dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Maamulka Koofur galbeed ayaa wado dadaalo looga saaro deegaanada ay ku sugan yihiin Dagaalamayaasha Al-Shabaab oo inta badan Dhibaato ku hayo Shacabka ku nool deegaanada uu ka Taliyo Maamulkaas.