Somali News

Madaxweyne Trump iyo Nancy Pelosi oo is dhaafsaday hadallo aflagaado ah

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo afhayeenka Aqalka Wakiillada ee dalka Maraykanka Nancy Pelosi ayaa is dhaafsaday hadallo aflagaado ah iyadoo midkastaa uu su’aal geliyay caafimaadka maskaxeed ee midka kale.

Haweeneyda ugu sareysa dimuquraadiga ayaa qoyska Trump iyo kaaliyayaashiisa ka codsatay inay soo farageliyaan arrimaha madaxweynaha “iyagoo u daneynaya dalka”.

Donald Trump ayaa ka soo jawaabay, wuxuuna yiri Mrs Pelosi way “waalan tahay”, Haddana markale ayuu haweeneydan laga soo doortay California in ay tahay “qof aan nidaamsanayn”.

Khilaafkan wuxuu muujinayaa inuu markale soo cusboonaaday xiriirka xun ee u dhexeeya Aqalka Cad iyo xisbiga Dimuquraadiga.

Is dhaafsiga hadalladan adag ayaa ka dhashay markii Trump uu si degdeg ah ku soo afjaray kullan uu la lahaa Mrs Pelosi iyo dhigeeda aqalka Sare, Chuck Schumer oo isna ka tirsan Dimuquraadiga.

Kullanka fashilmay oo Trump uu isaga baxay dhowr dhaqiiqo ka dib waxay ahayd inuu sii socdo illaa maalintaas oo dhan.

Iyadoo jawaab ka bixineysay arrintaas Khamiistii, Pelosi waxay sheegtay inay aad uga walwalsan tahay caafimaadka madaxweynaha iyo “guud ahaan wanaagga dalka Mareykanka”.

Afhayeenka ayaa Mr Trump ku eedeysay in uu qabo “inuu xanaaqa ka tambadiyo”.

“”Waan u duceynayaa Mareykanka,” ayay tiri Pelosi. “Waxaan filayaa in qoyskiisa iyo maamulkiisa ama shaqaalihiisa ay arrintan soo faragelin doonaan iyagoo dalka u daneynaya.”

“Waxaa suuragal ah inuu u baahan yahay fasax uu ku soo nasto,” ayay hadalkeeda ku sii dartay.

Waxay sidoo kale ku kaftantay wax ka bedelka dastuurka ee 25-aad, kaas oo ogol in madaxweynaha xilka laga qaado. Markii weriye uu sidaas u sheegay ayay ku tiri “waa fikrad fiican.”

Mrs Pelosi ayaa hab dhaqanka Trump ku tilmaamtay “shakilow”, iyadoo muujineysay sida uu ugu dheggan yahay faylashada maxkamadda una hortaagan yahay inuu marqaati noqdo lataliyihiisii hore.