Somali News

Madaxweyne Trump ma sii faafi karaa Coronavirus?

Muqdisho-KNN-Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay in uusan qatar ku aheyn dadka kale marka loo eego gudbinta xanuunka Covid-19, oo ku dhacay goor sii horeysay.

Dhakhtarka gaarka ah ee madaxwaynaha ayaa sheegay in xaalada caafimaad ee madaxwaynaha kasoo reyneyso, sidaas darteedna xanuunkiisa uusan gaarsii saneyn heer uu dadka kale u gudbin karo.

Gilinkii hore ee Sabtidii ayaa madaxwayne Trump markii ugu horeysay kasoo muuqday goob ay isku yimaadeen taageerayaashiisa tan iyo markii uu kasoo baxay cisbitaalka.

Trump ayaa dhankiisa sheegay in sida ugu dhaqsiayaha badan uu dib ugu laabanayo ololihiisa doorashada.