Somali News

Madaxweyne Trump oo booqasho ku tagay magaalo ay rabshado ka socdaan

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa booqasho ku tagaya magaalada Kenosha oo ay maalmihi u dambeeyey ka socdeen mudaharaadyo rabshada wata, oo ka dhashay rasaaseynta ay booliska u geysteen nin madow ah iyo dhaawaca rasaastaasi ka soo gaaray.

Aqalka cad ee Mareykanka wuxuu sheegay Mr Trump inuu Talaadada uu u safrayo magaalada Kenosha.

Madaxweynahana wuxuu halkaasi uu kula kulmi doonaa hay’adaha sharci fulinta, isaga oo sidoo kale u kuur galayo Khasaaraha ka dhashay inta ay mudaharaadyadu magaaladaasi ka socdeen.

Jacob Blake ayaa ku curyaamay dhaawaca culus ee ka soo gaaray toddobada xabbadood ee ay la dhaceen booliska, iyada oo dhaawaca soo gaaray ay dhakhaatiirtu ku sheegeen iney dhici karto inuu curyaamo oo lugahiisa uu ku socon waayo.

Toogashada booliska ay ninkaasi madowga ah u geysteen waxaa ka dhashay mudaharaadyo rabashada wata oo ka dhacay magaalada Kenosha, uu dhibku ka dhacay iyo magaalooyin kale oo ku yaalla dalka Mareykanka.

Sanadkan waxaa dalka Mareykanka ka socday mudaharaadyo ballaadhan, oo looga soo horjeedo cunsuriyadda kaddib marki ay booliska si arxan darra ah, ay u dileen nin madow ah oo lagu magacaabi jiray George Floyd.