Muqdisho-KNN-Maalmo ka dib markii uu sheegay in uu wadahadallo isu diyaariyay ayaa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxaa uu soo saaray hanjabaad toos ah oo ka dhan ah Iran, isagoo sheegay in Iran la burburin doono haddii ay werarto danaha Mareykanka.
“Haddii ay Iran dooneeyso in ay dagaalanto, taasi waa dhamaadka rasmiga ah ee Iran. mar kale ha u goodin Mareykanka” ayuu Trump kusoo qoray bartiisa twitter-ka.
Hanjabaadaan ayaa waxaa ay daba socotaa weerarkii todobaadkii hore lagu qaaday Saliidda Sucuudiga iyo Gantaal lagu riday dhul amnigiisa la ilaaliyo oo magaaladda Baqdaad ay ka deganyihiin hey’adaha Dowladda iyo Safaaradaha shisheeye ee Ciraq.
Military-ga Ciraaq waxaa uu sheegay in aysan jirin waxyeelo gantaalka ka dhalatay, walina ma jirto cid masuuliyadda sheegatay.
Lakiin Mareykanka iyo xulifadiisu waxay arrimahaan oo dhan la xiriirinayaan Dowladda Iran oo si isdaba joog ah u beenisay in ay ka dambeeysay weeraradda.
Waxaa marba marka ka dambeeya sii kordhaya xiisadda u dhexeeysa Iran iyo Mareykanka, mana jirto cid sedexad oo ku mashquulsan qaboojinta Xiisadda.