Somali News

Madaxweyne Trump oo markii u horreeysay Adeegsaday Codkiisa Diidmada Qayaxan

Madaxweyne Donald Trump ayaa codka diidmada qayaxan u adeegsaday Qaraar uu aqalka Congress-ka dalkaasi ku diiday xaaladda degdegga ah ee uu Trump ku dhawaaqay, sababo la xiriira murankii xadka Mareykanka iyo Mexico.

Xildhibaannada dalkaas, oo ay ku jiraan 12 xisbiga Jamhuuriga ka tirsan, ayaa meel mariyay diidmada qaraarka.

Congress-ka ayaa hadda u baahnaanaya saddex meelood labo meel oo codadka labada aqal ah, si ay meesha uga saaraan go`aanka Trump, taas oo aan la fileyn inay dhacdo.

Waa markii ugu horreysay oo uu madaxweyne Trump adeegsado codka diidmada qayaxan tan iyo intii xilka madaxtinnimada Mareykanka loo doortay.

Mr Trump ayaa ku celceliyay in muhaajiriin sharci darro ah oo ka imaanayay xadka koofureed ee dalkaasi ay badankood ahaayeen dembiilayaal Mareykanka soo gelinayay daroogo.