Muqdisho-KNN-Madaxweynaha dalka Maraykanka oo la hadlayay dad badan oo iskugu soo baxay magaalada Tulsa, oo ka tirsan gobolka Oklahoma ayaa mar uu eed kala dul dhacay gabadha Soomaaliyeed eek a tirsan aqalka Kongarayska Maraykan ee Ilhaan Cumar la yiraahdo ayaa Soomaaliya ku tilmaamay dal ay ka jirin nidaam dawladnimo iyo kala dambeyn.
Madaxweyne Trump waxaa uu sheegay in Ilhaan Cumar ay xoog badan gelisay sida dhaliil u jeedinta xukuumadiisa dhaqankaasna ay kala timid sida uu yiri Soomaaliya.
Inay aad ugu caan baxday ficiladda isir faquuqa ah oo ay doonayso inay bedesho sawirka ilbaxnimada Maraykanka ayuu sidoo kale ku eedeeyay.
Donald Trump oo taageerayaashiisa la hadlayay ayaa sheegay in Soomaaliya oo ah halka ay ka tagtay xildhibaan Ilhaan Cumar uu yahay dal aysan ka jirin dawlad, badqab la’aan oo ay xataa ciidamo ammaan ka shaqeyn.
“Ilhaan Cumar waxaa ay doonaysaa inay dawlada dalkeena ay la mid dhigto sida dalka ay ka timid ee Soomaaliya oo ay dawladi ka jirin, ammaan laheyn, booliska shaqeyneyn qas iyo fawdo mooye, waxa kale ka jirin sidaasoo ay tahayna waxay noo sheegaysaa sida aan dalkeena u maamulayno. Waxaan leenahay maya, waad mahadsan tahay waxaanna filaayaa in guul isbadal keenta ay ka dhici doonto gobolka Minisota.”
Inkastoo Soomaaliya ay xaaladdo adag ka jireen tan iyo markii ay dhacday dawladii kacaank,a hadda dalka waxaa ka jirta dawlad caalamku aqoonsanyahay oo aan ku meel gaar ahayn, waxaana Maraykanku uu dawladnimada Soomaaliya aqoonsaday sanadkii 2013 xilligaas oo ay shaqaynaysay dawladii uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhawr mar oo hore ayuu madaxweynaha Maraykanka ee xilligaan, Donald Trump uu tusaale aan wanaagsaneyn usoo qaatay dalka Soomaaliya, gaar ahaan xilliyadda ay Ilhaan Cumar oo gobolka Minisoota laga soo doorto dawlada dalka ka jirtana willi kama ay hadlin.
W/T Burhaan Diini Faarax