Somali News

Madaxweyne Trump oo weerar afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar iyo Gabdho kale.

Muqdisho-KNN-Madaxweyne Donald Trump ayaa Weerar Afka ah waxaa uu ku qaaday Gabdho ka tirsan Congress-ka Mareykanka oo ay ka mid tahay Ilhaan Cumar oo ah gabadha kaliya ee Soomaaliyeed ee ka tirsan Congress-ka Mareykanka.

Trump ayaa lagu eedeeyay midab takoor kadib markii uu bartiisa Twitter-ka ku weeraray Gabdhaha oo uu soo jeediyay in ay dalalkoodii ku laabtaan.

Waxaa uu sheegay in ay “asal ahaan ka yimaadeen wadamo Dowladahoodu ay gabihaanba musiibo ku habsatay.”

 Waxaa uu kadibna ku yiri Afhayeenka Congress ka Nancy Pelosi “in ay farxad u ahaan lahayd haddii ay si dhaqsi ah ugu diyaariso safar  bilaash”, si ay dalalkoodii dib ugu laabtaan.

 Gabdhaha uu musii badda u arko Madaxweyne Trump, sedax ka mid ah waxay ku dhasheen kuna koreen Mareykanka, balse gabadha Afaraad oo ah Ilhaan Cumar ayaa Mareykanka tagtay iyadoo caruur ah.

“Maxaysan dib ugu laabaneyn oo aysan caawimaad uga geysaneyn in la xaliyo bur-burka iyo dambiga ladegay meelihii ay ka yimaadeen, kadibna inta noo soo laabtaan aysan noo tuseyn sida ay wax u qabteen” ayuu yiri Trump.

Hadalka Madaxweynaha mareykanka oo hadalheyn dhaliyay ayaa lagu tilmaamay in uu yahay mid wax kala qaybinaya iyo midab takoor.

Ilhaan Cumar iyo Trump ayaa horay isu dhaafsaday hadallo ka turjumaya sida ay aragtida ugu kala duwanyihiin iyo diidmada u dhexeeysa dad ahaan

Waxaa uu u arkaa Gabar soo galooti ah, madow, kana timid wadan sabool iyo calaado la degeen oo nafteeda lagala cararay iyo sidoo kale in ay nasiib daranyihiin dadkii usoo doortay in ay ku matasho Congress-ka Mareykanka.