Uncategorized

M/ Waare:-Muqdisho dad ku sugan ayaa caqabad ku ah dagaalka Shabaab aan kula jirno.

Beladweyne-KNN-Isagoo la hadlayay qaar ka mid ah Shacabka magaalada Beladweyn ee xarunta gobalka Hiiraan ayuu sheegay Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare in Muqdisho dad jooga ay caqabad ku yihiin Howlgalka Shabaab ee Hirshabeelle.

Madaxweyne Waare ayaa yiri “Ciidamo ayaa diyaarinay si aan Shabaab uga guuleysano dhaq dhaqaaq markii aan bilaawnay dad ku sugan muqdisho ayaa culees kale na saaray oo diidan in Shabaab aan ka guuleysano” Madaxweynaha ma sheegin magacyada dadkaas iyo waxa ay yihiin.

Hirshabeelle ayaa dhib badan ku qabta Al-shabaab waxaana magaalooyin badan oo ka mid ah Hiiraan ay Shabaab go’doomiyeen 5 sano ka hor.