Somali News

Madaxweyne Waare ka hadlay colaad dhexmartay beelo ku dagaalamay degmada Warshiiq

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka qeyb galay kulan dib u heshiisiin ah oo lagu heshiisiinayo beelo wada daga degmada Warshiiq ee gobolka Shabeelada dhexe kuwaasi oo in muddo ah ku dagaalamay degmadaasi.

Madaxweyne Waare ayaa arrin laga xumaado ku tilmaamay in waqtigaan lagu lagu dul dagaalamo dadka shacabka, isla markaana dad mas’uulka ka ah colaadana ay yihiin dadkii indhaha u ahaa beelaha dagaalamaya.

Madaxweynaha ayaa Bulshada ku nool degmada Warsheeh iyo tuulooyinka hoostaga ayuu ugu baaqay inay ka Shaqeeyaan nabaddda iyo horumarka degaankooda.

Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa si adag uga hadlay oday 95 jir ah oo dhawaan lagu dilay degmadaas isagoo ku tilmaamay fal aad u xun ayna ka xunyihiin.

Degmada Warsheekh ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka ugu amniga wanaagsan degmooyinka Gobolka Shabeellaha Dhexe, hayeeshee waxaaa mararka qaar ka dhaca dagaal beeleedyo soo laab laabtay.