Beladweyne-KNN-Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta gaaray magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaana socdaalkiisa ku wehliya wasiiro ka tirsan Hirshabeelle.
Wasiirada socdaalka madaxweynaha qeybta ka ah ayaa waxaa ka mid ah Wasiirada Maaliyadda iyo Arimaha Gudaha Xildhibaano iyo masuuliyiin kale waxaana lagu soo dhaweeyay Garoonka magaalada Beladweyne.
“Xiligii la ii doortay ilaa hada waxaan waday diyaar garow waad la socotaan in howlgalada bilaabmeen waxaana rabnaa in waddooyinka aan furno, Howlgalada ma joogsanayaan dhamaan shacabka waxaa ka codsaneynaa inay ka qeyb qaataan sidii Al-shabaab looga saari lahaa guud ahaan dalka looga gaar ahaan Hirshabeelle”ayuu yiri Madaxweyne Waare.
Madaxweynaha ayaa dhinaca kale Dhalinyarada ugu baaqay inay iska wacyi galiyaan in loo adeegsado Dagaalada, taas badalkeeda ayuu ka dalbaday in ay is garab taagaan maamulka Hirshabeelle.