Somali News

Madaxweyne Waare oo eryey Wasiirkii Maaliyadda Hir-Shabeelle mid kalana magacaabay.

Jowhar-KNN-Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkiisii Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha ee maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle, isagoo xilkaas wasiir cusub.

CabdiShakuur Abuukar Xasan ayuu Madaxweyne Waare u magacaabay Wasiirka maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha ee maamulka Hir-Shabeelle.

Xilkaqaadista Wasiirkii Maaliyadda maamulkaas ayuu Madaxweyne waare waxa uu u cuskaday isbeddel dhinka Maaliyadda ah oo uu sheegay in maamulku uu u baahday.

Hoos ka Akhriso Warqadda:-