Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyey madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo.
Wafdiga Madaxweyne Waare ayaa magaalada Dhuusamareeb waxaa ay u gaareen ka qeybgalka Shirka wadatashiga Dowladaha Xubnaha ka ah DFS kaasoo oo dhawaan ka furmi doona magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweynayaasha ayaa si wadajir aqalka madaxtooyada kula hadlay warbaahint waxaa ayna sheegeen in ay ka shaqeyn doonan horumarka dowladnimada.