Somali News

Madaxweyne Waare oo iscasilay

Madaxweynihii Maamulka HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa sheegya inuu iska casiley xilkaasi madaxweynaha maamulkaasi.

Waare ayaa waxaa uu sheegay in uu isu casiley kaddib markii la ‘qaadan waayey’ talooyin uu soo jeediyey oo ahaa in muddo bil ah dib loo dhigo doorashada maamulkaasi, maadaama ay dalka ka jirto doorasho Qaran.

“ Waxaa nasiib darro ah in arrintaasi iyo inay saas wax u dhacaan ku qanceen Duubabka Dhaqanka Hir-Shabeelle, hoggaanka kale ee Hir-Shabeelle, Xildhibaannada metela, xataa waxaa layaab leh in inay ka hadli waayaan hoggaanka mucaaradka oo badankood kasoo jeeda Hir-Shabeelle una arkaan in wado wanaagsan ku socoto ayuu yiri” Waare.

Iscasiladda Waare ayaa imaanaysa xilli uu dhammaaday muddo xileedkiisu.