Uncategorized

Madaxweyne Waare oo ka hadlay dhismaha Golaha Wasiirada Hirshabeelle.

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa wareysi gaar ah uu siiyay Idaacadda Kulmiye waxa uu kaga hadlay Arimo badan oo ka jira deegaanada Maamulkaasi.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay in deegaanada Maamulkaasi ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo ay ugu horeyso Xaaladda amniga Guud ahaan Hirshabeelle gaar ahaan degmooyinka go’doonsan iyo dagaal beeleedyada ragaadiyay meelo ka mid Gobalka.

Waare ayaa balan qaaday in arimahaas oo dhan iyo caqabo kale oo taagan si wax looga qabto uu soo dhisi doono Gole wasiiro oo tayo leh kuwaas oo ka jawaab celin kara dhibaatada deegaanka saaraan.

“Waxaan soo dhisi doonaa Gole wasiiro oo ka jawaab celin kara dhibaatooyinka heesta Shacabkayga iyo Guud ahaan Soomaaliya waxaana Golahaasi ay ku imaan doonaan wada tashi aan la yeesho madaxda kale iyo Odayaasha dhaqanka” ayuu Idaacadda Kulmiye u sheegay Madaxweyne Waare.

Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo aan wali la caleema saarin ayaa maalmahii ugu danbeeyay kulamo magaalada Muqdisho kula qaatay Xildhibaano Senataro ka tirsan Aqalka Sare Saraakiisha AMISOM iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Qaramada Madoobay ee Soomaaliya isagoo la sheegay in uu kala hadlay Arimaha amaanka iyo Gar-gaarka dadka ku dhibaateysan gobalka.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa ku sugan Kaaliyaha Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Xubno kale oo maamulka ka mid ah kuwaas oo diyaarinaya Caleema saarka Madaxweynaha oo la filaayo in ay dhawaan ka dhacdo Jowhar waxaana abaabulka diyaarinta Xafladda jowhar ka wada Gudigii doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle.