Beledweyne-KNN-Wareegto ka soo baxday Maxamed Cabdi Waare Mdaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo ku sugan Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu ku kala diray Xubnaha Hay’adaha Garsoorka Gobolkaasi.
Arintan ayaa waxaa uu ku sheegay madaxweynaha in ay tahay Go’aanka Guddiga Cadaaladda ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle iyo soo jeedin ka timid Wasiirka Cadaaladda Hir-Shabbelle, sidaasina lagu kala diray Xubnaha Garsoorka Gobolka Hiiraan.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay inuu maalmaha soo socda uu magacaabi doono xubno cusub oo ka mid ah noqonaya garsoorka Gobalka Hiiraan.
Halkan ka Akhriso Warqada:-
