Uncategorized

Madaxweyne Waare oo ku wajahan Dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta.

Abuu-Dubai-KNN-Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu wadaa in dhawaan uu gaari magaalada Abu-Dubai ee Dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta kadib markii la sheegay iney xariireyn Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Imaaraadka.

Madaxweyne Waare oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta Kenya ayaa lagu wadaa inuu dhawaan u baxo Imaaraadka sida ay noo xaqijiyeen Saraakiil ka tirsan Hirshabeelle.

Wasiirka Amniga Hirshabeelle iyo Labo qof oo Xoghayn iyo Kaaliye u ahaa ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho waxaana Nairobi ku soo haray Madaxweyne Waare oo kaliya kaas oo dhawaan ka sii bixi doono.

Warar ay heshay KNN ayaa sheegaya In Imaaraadka Madaxweynaha Hirshabeelle ka dalbadeen inuu Yimaado Abu-Dubai iyadoo aan qofna la socon arintaasna uu aqbalay Madaxweyne Waare.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa raaci doono wadadii ay mareen Madaxweynayaashii kale ee Maamul Gobaleedyada ee ku aadan go’aankii laga qaatay Khilaafka Khaliijka.