Uncategorized

Madaxweyne Waare oo kulamo la qaadanaya bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maalmihii dambe ku sugnay Magaalada Beladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa kulamo Kala duwan la qaadanaya odoyaasha dhaqanka ee ka soo jeeda beelaha daga gobolkaasi kuwaas oo ka cabanaya xil ka qaadis lagu sameeyay xubno ka tirsan maamulka gobolka.

Sidoo kale Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa wada xal u raadinta muran xoogan oo ka dhashay qaabka loo qaado canshuurta iyo halka ay ku baxdo.

Waare oo safarkiisa  Beladweyne u qorsheeyay laba maalmood ayaa hadda magaalada ku sugan maalmihii qorshuhu ahaa maalmo ka badan, iyadoona Madaxweynaha la sheegay in uu la kulmay culeysyo Kala duwan.