Somali News

Madaxweyne Waare oo la heshiiyay Dowlada dhexe.

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Maamulka  Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo shir Jaraa’id ku qabtay Magalaada Muqdisho ayaa sheegay in uu dhamaaday khilaafkii u dhaxeeyay maamulkiisa iyo dowldda Soomaaliya.

Waxaa u sheegay Waare in Hirshasbelle ay ka tanaasushay kana laabatay Go’aankii ay Madaxweynayaasha maamul goboleedyada ku gaareen Magaalada Kismaayo ee wada shaqeyntii dowladda lagu joojiyay..

Madaxweynaha Hirshabelle  ayaa mar uu faah faahin ka bixinayay sababaha keenay shirkiisa Jaraa’id iyo in uu ka laabtay Go’aankii ay ku gareen Magaalada Kismaayo, Waxaa uu tilmaamay in Wada hadal afar maalmood socday uu la qaatay madaxda dowladda la iskana fahmay tabashada hirshabelle.

Waxaa uu hadalkiisa ku daray in ay talaabadan timid kadib soo jeedin ay sameeyeen odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta Maamulkaasi .

Waxaa Muuqaneysa in ay Madaxda Maamul Goboleedyada ku kala qeybsamayaan Go’aankii ay si wadajirka ah ugu gaareen magaalada Kismaayo 8-dii bishaan, kaasi oo ahaa in ay hakad geliyaan wada shaqeyntii kala dhaxeysay dowladda Soomaaliya.