Uncategorized

Madaxweyne Waare Oo la eedeeyay

Jowhar-KNN-Qaar ka mid ah xildhibaanada barlamaanka maaulka hirshabeelle ayaa eedeen u soo jeediyay madaxweynaha maamulkaas Maxamed cabdi waare oo ay ku eedeeyeen in uu ka furmi la`ayahay kala fadhiga sedaxaad ee mudanayaasha barlamaanka maamulkaas.

Xildhibaan Faarax Maxamed Cismaan oo ah hab dhowraha baarlamaanka Maamul Hirshabelle oo lahadlay KNN ayaa madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi waare waxaa uu Ku eedeeyay inuu ka furmi la`ayahay furitaanka Kalfadhiga sedaxaad ee Baalrmaanka Maamulkaasi oo lagu ballansanaa in uu furmo waqti hore.

Balse markasto dib u dhac  uu Ku yimaado kala fadhiga barlamaanka maamulka hirshabelle uu ku eedeeyay in madaxweyne waare ka danbeeyo, ayadoona markasta madaxweynuhu uu gudoonka warqad u soo qoro taas oo uu kaga Cudur daaranayo in uu ka qeybgallo munaasabada furitaanka kala fadhiga sedaxaad ee uu furmi lahaa kulamada barlamaanka maamulka hirshabeelle.

Sidoo kale Xildhibaan Faarax maxamed Cismaan ayaa tilmaamay in madaxweynaha maamulka hirshabelle Maxamed cabdi waare uusan daganeen magaalada jowhar ee xarunta maaulka hirshabeelle isla markaana uu madaxweynaha uu dagan yahay magaalada muqdisho.

Haldalkaan kasoo yeeray xili dhowr jeer uu dib u dhac ku yimid furitaanka kala fadhiga sedaxaad ee barlamaanka maamulka hirshabeele.