Uncategorized

Madaxweyne Waare oo maanta furaya Kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle.

Jowhar-KNN-Madaxweynaha Maamulka Hirshabella Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle, waxaana lagu wadaa in ay uu ka qayb galo munaasabad lagu furayo Kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka maamulkaasi.

Madaxweyne Waare ayaa ka qayb galayaa xafladda Xafladda furitaanka Kalfadhiga Baarlamaanka oo muddo badan dib u dhac ku yimid, waxaana Jowhar ka socda qaban qaabadii ugu dambeysa.

Inta badan xildhibaanada iyo Mas’uuliyiinta Hirshabeelle ayaa ku sugan Jowhar, kuwaas oo la sheegay in ay udiyaar Garoobeen qabsoomidda munaasabadda furitaanka kalfadhiga 3aad ee Baarlamanka Hirshabeelle.

Wariyaha Idaacadda kulmiye ayaa soo sheegaya in madaxweynaha oo muddo badan dib u dhigay furitaanka Kalfadhiga xildhibaanada uu maanta ku sugan yahay magaalada kana qayb galayo Xafladda furitaanka.

Madaxweyne Waare ayaa mudooyinkaan ka maqnaa Jowhar waxa uuna ku sugnaa magaalada Muqdisho, arintaas oo dib u dhigtay in uu furmo Kalfadhiga Baarlamaanka oo ku beegneeed 19-kii December ee sanadkii dhamaaday ee 2017