Somali News

Madaxweyne Waare oo maanta ku wajahan magaalada Beledweyne

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle iyo wafdi uh hoggaaminayo ayaa maanta waxa ay ku wajahan yihiin magaalada Beledweyne ee xarunta gobola Hiiraan.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa u diyaar garoobay masuuliyiin doonaya in ay kusoo dhaweeyaan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Aaditaanka madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo wafdigiisan ee uu hor kacayo ayaa waxa ay ku soo aadaysaa, xilli magaalada Beledweyne iyo shacabkeeda ay la daalaa dhacayaan Fataahadda uu sameeyay webiga Shabeelle.