Somali News

Madaxweyne Waare oo Magdhow ka bixiyay dilkii Taliye Macow.

 Beledweyne-KNN-Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa uu magdhaw ka bixiyay dilkii dhawaan Gobalka Hiiraan loogu geystay Taliyihii Booliska Gobalka  Kornel Axmed Macow.

Xildhibaanada  ka tiraan Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in Waare uu magdhaw siiyay qoyskii Korneel Macow.

Waxaase xusid mudan in gudiyo loo saaray in ay baaritano ku sameeyeen sidii uu u dhacay dilka Taliyihii qeybta booliska gobalka Hiiraan, inkastoo weli aan wax natiijo ah ka soo bixin baaritaankooda.

Maalmihii dambe ayaa  waxaa magaalada Beledweyne ka soconayay kulan ay yeelanayeen ehelada Marxuum Macow iyo Madaxweynaha Hirshabelle, iyagoona ka wadahadlayay in la cadaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilka Marxuum Macow.