Jowhar-KNN-Madaxweynaha maamulka Hir-shabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee maamulka Galmudug, isagoo sheegay in aan la aqbali Karin tafaraaruqa siyaasadeed ee Galmudug ay haatan wajaheyso.
Madaxweyne Waare ayaa dowladda dhexe iyo cid kasta oo ku howlan kala qeybinta Galmudug in ay faraha kala baxaan si aayahooda ay uga tashadaan umadda reer Galmudug.
Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta kale ee kasoo jeeda Galmudug iyo Hir-Shabeelle ayuu ugu baaqay in aysan marnaba aqbalin in lakala xiro isusocodka Galmudug iyo Hir-Shabeele oo haatan isusocod koodu uu marayo meel aad u xun, isagoo tilmaamay in dadka reer Galmudug aysan u baahneyn in kaanbeyn oo kaliya lagu galo balse ay u baahanyihiin dowladd u adeegta.
“Dadka reer Hiiraan ee Hir-Shabeelle, waxa ay welwel ka qabaan xaalada cakiran ee ka jirta Galmudug, Koonfurta Soomaaliya oo aan sidaan ula tacaaleyno oo deegaan uusan deegaan kale u gudbi Karin ma yeeleyno in Waqooyi naga xiranto oo qalalaase ay gasho, cid kasta oo ku howlana waan kaga digeynaa,” ayuu yiri Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.