Somali News

Madaxweyne Waare oo tacsi u diray qoysaska mas’uuliyiintii saakay la dilay

Jowhar-KNN-Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay geerida mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka Hir-Shabeelle oo saakay lagu dilay gobolka Shabeellada Dhexe.

Guddoomiye ku xigeenkii maaliyadda gobolka Shabeellada Dhexe Cabdullaahi Shitaawe, Wasiirkii hore ee ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cusmaan, iyo Ciidamadii la socday, ayaa saakay qarax nuu ciisu ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso lagula beegsaday inta u dhaxaysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya Afka golayaasha maamulka Hirshabelle iyo kaygaba, waxaan tiiraanyada la qaybsanayaa qoyskii, ehelladii, guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed gaar ahaan reer Hirshabelle ay ka geeriyoodeen mas’uuliyiintaasi iyo ciidamada geesiyaasha ee iyagana shahiiday” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

“Labada Mas’uul, Samafalaha, iyo askartii kale ee ku shahiidday qaraxaas waxay waqtigoodii iyo naftoodiiba u hureen soo celinta nabadgelyada dalkooda, waxayna dadaal badan galiyeen sidii Hirshabelle u horumari laheyd” ayuu siiraaciyay Madaxweyne Waare hadalkiisa.

Madaxweynaha Hir-Shabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu dambeyntii alle uga baryay in uu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo dhamaan dadkii saakay la dilay, isagoo kuwii ku dhaawacmayna caafimaad alle uga baryay.