Uncategorized

Madaxweyne Waare oo Xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Degmada Balcad Ee G/Sh/Dhexe

Muqdisho–KNN–Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii degmada Balcad Cusmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole), kaasoo bilo ka hor xilkaan loo magacaabay.

Wareegto ka soo baxday Madaxtooyada Hirshabeelle oo ay heshay Warbaahinta ayaa lagu sheegay in xilka Guddoomiyaha degmada Balcad loo magacaabay Qaasim Cali Nuur oo horay u soo noqday Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii 9aad.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo aan wali la caleema saarin Maxamed Cabdi Waare ayaa tan iyo markii bishii la soo dhaafay loo doortay xilka waxaa uu durba bilaabay xil ka qaadis uu ku sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, isagoo soo celiyay Guddoomiyihii hore Cali Jeyte Cusmaan.