Beledweyne-KNN-Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hirshabeelle ee doorashadiisa laga joogo afar maalmood oo kaliya ayaa shalay xilkii ka qaaday Gudoomiyihii maamulka gobalka Hiiraan ee Hirshabeelle Cumar Aadan Ibraahim “Baadiyow”
In kastoo aanan si rasmi ah loo shaacin Xilka qaadista Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ayaa waxaa jirtay warar sheegaya in xilkaasi loo magacaabay Cali Jeyte Cismaan oo horey xilkan u soo qabtay waxaana Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay Gudoomiyihii xilka laga qaaday gobalka.
Cumar Aadan Ibraahim Gudoomiyihii xilka ee maamulka gobalka Hiiraan oo aan Telephone-ka kula xariiray ayaa ii xaqiijiyay in Xilkii laga qaaday.
Ma cadda sababta xilka looga qaaday Gudoomiyihii gobalka Hiiraan, Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan Arintaan.