Somali News

Madaxweyne Waare” waa muhiim heshiiska lala galay Itoobiya”

Jowhar-KNN-Maxamed Cabdi waare Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa ka hadlay heshiiska ay galeyn Wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya 16kii Bishaan.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in heshiiskaas hadii laga miro dhaliyo ay faa’iido badan ugu jirto labada Shacab ayna mudan tahay in la soo dhaweeyo.

Afarta Dekedood mida ugu horeysa waxay tahay tan Cadale oo ay maamusho Dowladda Hirshabeelle, waxaa noo qorsheysan in Dekedaas ay noqoto mid adeegyo badan laga helo oo faa’idooyin u leh Shacabka Hirshabeelle.” Ayuu yiri  Madaxweyne Waare.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Caawa uu ka soo Muuqdo telefishinka Qaranka Islqmarkaana uu ka hadlo warar maalmihii dambe laysla dhaxmrayay ee ahaa in Soomaaliya iyo Itoobiya ay noqon doonaan hal dal heshiiskana ay qeyb ka aheyd.