Somali News

Madaxweyne Waare”Al-shabaabka soo weerara HirShabeelle waxay ka yimaadaan Galmudug iyo K/Galbeed”

Jowhar-KNN-Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay dhaq dhaqaaqa dagaalamayaasha Al-shabaab ee deegaanada Maamulkiisa ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda qeybtooda ku sugan deegaanada HirShabeelle ay iska difaacaan Al-shabaab ayna ka adkaadeyn gudaha HirShabeelle.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in Al-shabaabka Weerarada ka fuliya deegaanada HirShabeelle ay ka soo weerar tagaan deegaano ka tirsan Maamulada Galmudug iyo Koofur Galbeed balse aysan awood buuran ku laheyn deegaanada HirShabeelle ee Soomaaliya.

Maamulka HirShabeelle ayaa ka mid ah maamulada dhibaatada ugu daran ku qaba Al-Shabaab waana maamulka kaliya gacanta Al-shabaab ku waayey Xildhibaano iyo Saraakiil iyo Ciidan iyo Ciidamo badan kuwaas oo ku safrayay Inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar ee HirShabeelle.