Uncategorized

Madaxweyne Waare”dhawaan ayaan bilaabeynaa dhismaha garoonka ugaas Khaliif”

Baledweyne__KNN__ Madaxweynaha maamulka hirshabelle maxamed cabdi waare shalay tagay magaalada baledweyne ee xarunta gobolka hiiraan ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan dhismaha garoonka diyaaradaha ugaas khaliif ee magaalada baledweyne

Garoonka diyaaradaha baledweye ayaa waxaa saameyn ku yeeshay Roobkii deyrta oo ka da ay Magaalada Baledweyne waxaana Madaxweyne Waare uu xusay in garoonka Ugaas khaliif goor dhow la guda geli doono iyadoo uu tilmaamay in QM ay soo dhameysay daraasad ay ku sameysay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baledweyne.