Uncategorized

Madaxweyne Xaaf iyo ku xigeynkiisa oo gaaray Jabuuti + SAWIRO

Jabuuti–KNN— Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Kuxigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabey ayaa Maanta gaaray Wadanka Jabuuti,waxaana Garoonka Diyaaradaha Jabuuti ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Dalka Jabuuti.

Madaxda Galmudug ayaa Jabuuti u tagay Wada-hadal ku dhexmari doona Wadankaas Galmudug iyo Ahlusunna oo ay dhex-dhexaad ka yihiin IGAD iyo Dowladda Jabuuti,waxaana la sheegay in Galmudug iyo Ahlusunna ay Dalka Jabuuti ku kala saxiixan doonaan Heshiis lagu soo Afjarayo Khilaafka Galmudug iyo Ahlusunna.

Dhanka kale waxaa Xusid mudan in Madaxweynaha Galmudug iyo Kuxigeenkiisa oo Khilaaf uu u dhexeeyay ay ka wada qeyb galayaan Shirka u dhexeeya Ahlusunna iyo Galmudug,iyadoo ay taas muujineyso in la xaliyay Khilaafkii Madaxda Galmudug ka dhex jiray.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Madaxda Galmudug Muqdisho isugu keenay si loo soo Afjaro Khilaafka u dhexeeya Madaxda Sare ee Dowlad Gobolleedka Galmudug.