Muqdisho-KNN-Axmed Ducaale Geelle Xaaf Maxweynaha Maamulka Galmudug ayaa Maanta Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay safiirka Midawga Yurub u qaabilsan Somaliya, Fulgencio Garido-Ruiz (Pencho).
Masuuliyiinta ayaa waxaa ay ka wadahadleen amaanka, siyaasada, doorashooyinka iyo taageerada ay midowga yurub siiyaan Maamulka Galmudug.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa waxaa uu xiligan ku sugan Yahay magaalada Nairobi, isagoona halkaasi kulamo kula qaatay madaxda ka tirsan beesha Caalamka, iyagoona ka wadahadlay sidii ay taageeri dheeraad ah ay u siin lahaayeen maamulka Galmuudg.
Magaalada Nairobi ayaa haatan waxaa ku wada sugan madaxda Maamul gobaleedyada Jubbaland, Galmudug iyo Puntland, iyagoona halkaasi kula shiray Madaxda Beesha Caalamka.