Uncategorized

DHAGEYSO-:Madaxweyne Xaaf “Mudadii aan ka maqnaa Cadaado waxaa ka dhacay dilal,dhac, iyo Afduub”

Cadaado-KNN-Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” oo shalay ku laabtay magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug ayaa wariyaasha u sheegay in magaalada Cadaado mudadii uu ka maqnaa ay ka dhaceen dhibaatooyin aan la mahdin.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in ay Cadaado ka dhacayn dil, dhac iyo Afduub loo geestay Shacab iyo Gaadiid arintaasina wax laga qaban doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

Sidoo kale madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in Galmudug wixii xiligaan ka dambeeya ay diyaar u tahay hore u-socosho Khilaaf dambane uusan jiri doonin, waxa uu reer Galmudug ka dalbaday in ay midoobaan colaadda ka dhax jirta beelaha dega Galmudugna ay xalin doonto Maamulka Galmudug.

Halkaan ka dhageyso codka Madaxweyne Xaaf.