Dhuusa-Mareeb-KNN-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug
Madaxweyne Xaaf iyo mas’uuliyiinta la socotay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhaweeyey madaxa Xukuumada Maamulka Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan, iyo saraakiil ka mid ah maamulkaasi.
Madaxweyne Xaaf oo hadal kooban siiyay Warbaahinta ayaa safarkiisa dhuusamareeb ku sheegay taabagelinta iyo horumarinta Galmudugta Cusub iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii dhexmaray Galmudug iyo Ahlusunna.
waxaana sidoo kale lagu wadaa in inta uu Dhuiusamareeb joogo la sameeyo isku dhafka xildhibaanada galmudug oo la isku darayo xildhibaanadi hore ee Baarlamaanka Maamulkasi iyo kuwa ka imaanaya Maamulki Ahlu-suna ee heshiiska la galay galmudug.
Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa waxa uu sheegay in ay bilaaban doonaan mashaariicdii horumarineed ee uu dhagax dhigay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xiligii uu booqday deegaanada Maamulka Galmudug.