Somali News

Madaxweyne Xaaf oo dowladda dhaliilay kana hadlay khilaafka madaxda Galmudug

Dhuusamareeb-KNN-Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed ducaalle Geelle (Xaaf) oo baryahaan dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho,ayaa manta dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug,waxaana uu ka hadlay arimo la xiriiro khilaafkii u dhaxeeye madaxda Galmudug.

Xaaf ayaa sheegay in wali khilaafkii uu sidiisi u taagan yahay waxaana uu tilmaamay in dowladda ay ku fashilmatay xal ka gaarista khilaafka.

Sidoo kale Axmed ducaalle Geelle (Xaaf) madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa dowladda waxaa ku eedeeyey in ay jaratay lacagihii maamulka la siin jiray ee uu kala sinaa maamul goboleedyada kale.

Khilaafka u dhaxeeya madaxda Galmdug ayaa muddo soo jiitamaaye,iyadoona wali xal aan laga gaarin.

Maamulka ayaa labo dhinac uu kala jabay dhinac raacay madaxweyne xaaf iyo qeyb taageersan madaxweyne ku xigeenka iyo guddomiyaha baarlamanka Galmudug.