Somali News

Madaxweyne Xaaf oo ka hadlay Dagaal ka dhacay Dacdheer

Muqdisho-KNN-Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo la soo xiriiray idaacadda Kulmiye  ayaa waxaa uu ka hadlay dagaal beeleed saakay ka qarxay degaanka dacdheer ee Gobalka galgaduud.

Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa uu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo  dagaal dib ugu soo cusboonaaday  degaanka Dacdheer ee Gobalka Galgaduud.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay aad ugu xun yihiin markale uu dagaal ka dhaco degaanka Dacdheer ee Gobalka Galgaduuud.

Waxaa weli dagaal beeleed uu ka soconaya degaanka Dacdheer ee gobalka Galgaduud, kaasi oo u dhexeeya Labo maleeshiyo beeleed, iyadoona khasaaro uu soo gaaray dhinacyada dagaalamay.