Somali News

Madaxweyne Xaaf oo ka hadlay odayaal ay shabaab ka afduubteen Galgaduud.

Kismaayo-KNN-Axmed Ducaalle Geelle Xaaf Madaxweynaha maamulka galmudug  oo ka hadlayay shirka ka soconaya magaalada kismaayo ayaa waxaa uu soo hadal qaaday dhibaatooyinka dagaalamayaasha Al-shabaab ay ka geystaan qeybo ka mid ah gobalka Galgaduud.

Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa uu shirka ka  sheegay in Al-Shabaab ay ku dhawaad 70 Oday  ka Afduubteen deegaanka Galqoryaale, islamarkaana Waxaa uu tilmaamay in shabaab ay odayaasha  la aadeen  degmada Ceelbuur oo ay maamulaan.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waxaa uu xusay in arintaasi ay tahay mid aad looga xun yahay,isagoona dowlada dhexe ku dhaliilay in amniga dalka aysan ka warqabin.

Al-Shabaab ayaa waxaa ay kordhiyeen dhibaatooyinka  ay u geystaan dadka Shacabka ah ee ku nool gobalka Galgaduud.