Gaalkacyo-KNN-madaweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maanta la hadlay laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in Galmudug ay aad uga xuntahay wixii xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in dilkaas ay geysteen dad weyraxsan oo ka xanaaqsan Sarkaal xalay lagu dilay Gaalkacyo, balse aysan ka hari doonin oo cadaaladda la hor keeni doono dadkaas.
Xaaf ayaa dadka reer Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay isdajiyaan ka maamul ahaana ay ku dadaali doonaan sidii cadaaladda loo marsiin lahaa raga dilay dadkii masaakiinta ahaa.