Dhuusamareeb-KNN-Axmed Ducaalle Geelle “Xaaf ” Madaxweynaha Galmudug ayaa maanta kormeeray xarunta Shirka uga socdo Guddiga isku dhafka Galmudug iyo Ahlusunna, waxa uuna madaxweynaha ka dhageestay Warbixino ku saabsan shaqada ay haayaan.
Madaxweyne Xaaf ayaa Guddiga ugu baaqay in ay dardargeliyaan howlaha ay waddaan si loo mideeyo Labada maamul ayna u socoto shaqada maamulka oo muddo u xayirneed mideynta Labada maamul.
Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in maamulka uu si toos ah u shaqo bilaabo, waxaana uu guddiga ugu baaqay in ay si caddaalad u qabtaan Shaqadda ay hayaan.