Somali News

Madaxweyne Xaaf oo muddo kadib maanta kusoo wajahan Muqdisho

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa maanta gelinka dambe waxaa lagu wadaa inuu soo gaaro Magalada Muqdisho.

Arintaan ayaa ka dambeysay kadib markii Madaxweyne Xaaf iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ay heshiis ku gaareen Magaalada Cadaado ee Gobalka Galgaduud, taasi oo ku aadan in doorasho laga qabto  deegaanada Maamulka Galmduug, si ay dhibaatada kaga baxaan shacabka ku nool reer Galmudug.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Xaaf marka uu soo gaaro magaalada Muqdisho uu kulamo la qaada doono madaxda dowladda Federaalka.